Baafin

Ciidamada Booliska JSL ee Rugta Dhakhtarka weyn ayaa gacanta kusoo dhigay nin ku eedaysan in uu furfuranaayay muraayad-haaddada gaaddiidka.

Waxaanay Ciidanku ku qabteen isagoo furfuraanayay gaadhi parking ka Hospitalka yaalay, isla markaana sita saddex kale oo uu soo dhacay , waxaana uu ku jiraa gacanta Ciidanka isaga iyo alaabtii uu soo dhacay ba .

Haddaba , waxa aanu ka codsanaynaa dhammaan cida ay ka maqanyahiin inay yimadaan Rugta Booliska ee Cisbitaalka weyn halkaasi oo muraayad haaddoodii lagu hayo.

Muwaadin ka taxadar tuugada noocan oo kale ah haddii aad aragtana degdeg ula soo wadagaan Ciidanka Booliska .

Xafiiska Warbaahinta Ciidanka Booliska JSL