Magaalada Hargaysa waxa lagu soo gabogabeeyay shir ka soconayay muddo saddex cisho ah , kaasi oo Ujeeddadiisu ahayd samaynta qorshaha ka hortaga dambiyada( crime prevention strategy).

Magaalada Hargaysa waxa lagu soo gabogabeeyay shir ka soconayay muddo saddex cisho ah , kaasi oo Ujeeddadiisu ahayd samaynta qorshaha ka hortaga dambiyada( crime prevention strategy).
Waxaana ka qayb galay 22 Sarkaal oo ka koobanaa Taliye Saldhigyo , Qaybaha iyo Hogaaamo ka tirsan Ciidanka Booliska JSL .
Waxaana shirka soo xidhay hoggaanka tababarka Ciidanka Booliska JSL Gen.Cabdi Axmed Tiir.
Qabashada shirka waxa ka taageertay Taliska guud ee Ciidanka Booliska Ha'ayada UNDP iyo UNSOM.